Xogta Qaraxa iyo Sida ay Wax uga dhaceen Koontaroolka Madaxtooyada laga ilaaliyo.

182

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu ka dhacay bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ka ilaaliyaan madaxtooyada qaranka.

Koontaroolka oo ku yaala tiyaatarka qaranka ayaa waxaa ciidamada ammaanka ay ku baaraan gaadiidka dhanka madaxtooyada u socda amaba ka yimaada waxaana halkaa loo ogolyahay madaxda iyo dadka heysta ID-ga dowladda.

Gaariga is qarxiyay waxaa uu kasoo gudbay ilaa dhowr koontarool oo gaadiidka si adag loogu baaro, dhanka sayidka haddii uu ka yimid koontarool adag ayaa ku yaa haddii dhanka taalada daljirka daahsoon ka yimidna koontatool kale ayaa ku yaala waxaana la is weydiinaya sidee ayuu gaarigaan ku qarxay tiyaatarka uga soo gudbay dhowrkaas koontarool ee gaadiidka lagu baaro?

Weerarada iyo qaraxyada ayaa waayadii dambe waxa ay aad ugu soo badanayeen xeeyndaabka ay gabaadsadaan madaxda dowladda oo ammaankooda si aad ah loo adkeeyo.

Inta la xaqiijiyay ilaa 5 ruux oo Askar iyo shacab isugu jira ayaa qaraxa ku geeriyootay dhaawacyana waa ay jiraan.

Warbaahinta ayaa loo diiday in ay soo tabiso xogta qaraxa iyo goobta ay wax ka dhaceen taasi oo adkeysay in xogo dheeraad ah laga helo khasaaraha qaraxa iyo burburka uu geestay.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaan waxaana ay sheegeen in ay la beegsadeen mid kamid ah koontaroolada laga ilaaliyo madaxtooyada.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya 8 maalmood kadib markii uu dhacay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee lagu beegsaday dhismayaal ku dhaw Hoteelka Makka Al Mukarrama.