MARCELO OO U JIHEESANAYA JUVENTUS SI UU ULA MIDOOBO SAXIIBKIISII HORE C.RONALDO.

80

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid ayaa kulamadii u dambeeyey u dhaadhacay keydka, waxaana soo baxay warar isa soo taraya oo sheegaya in uu u heleelayo dadlka Talyaaniga gaar ahaan kooxda Juventus oo ay kaga horeeyaan saxibadiisii hore Real Madrid C.Ronaldo iyo Sami Khedira.

Marcelo ayaa go’aan ku gaaray inuu u dhaqaaqo Juventus madaama uu booskiisa ku waayey xidiga kasoo qalin jabiyey kooxda yar-yarka Real Madrid ee Sergio Regulion, La Sampa oo kaso baxa dalka Talyaaniga ayaa soo warinaya in heshiis afar sano ay wada gaarayaan Juve iyo Marcelo.