Dowladaha caalamka oo cambareyay Qaraxii ka dhacay muqdisho

71

Qaar ka mid ah dowladdaha iyo Ururadda Caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxii shalay ka dhacay Afaafka hore ee Maqaayad lagu Magacaabo Dalsan oo ku taalla meel u dhow Taalada Xaawa taako ee Magalada Muqdisho.

Dowladdaha Carabta iyo kuwa Yurub,ayaa sheegay in Qaraxaasi ay aad uga naxeen,islamarkaana uu kusoo aaday xilli Amniga Caasimadda uu soo hagaagaayay.

Dowladdaha Turkiga iyo Baxraneyn ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tilaabo looga jawaabaayo Qaraxyaddii Al-Shabaab ee ka dhacay Muqdisho,islamarkaana ay laba jibaari doonaan taageeradda ay siiyaan  Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Ku dhawaad 6 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka dhaawaca uu ka badanyahay.

waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay xarakada Al-Shabaab oo sheegay in Qaraxaasi ay ku dileen Askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Mudooyinkii dambe ayaa falalka amniga lidiga ku ah kusoo badanaayeen magaalada.