Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya c/raxmaan xoosh jabriil oo Geeriyooday

67

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka isutaga  imaaraadka carabta uu ku geeriyooday Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.

Sida la xaqiijiyey Marxuumka ayaa halkaasi maalmahan u joogay Xanuun hayay,iyada oo halkaasi lagu daweynayay,hayeeshee markii dambe uu u geeriyooday xanuunkii.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray,waxana uu hadda ahaa Wasiirka Dastuurka Dowladda Fedraalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Dastuurka Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.