Madaxweynaha uganda oo ku hanjab in ciidankiisa kala baxaayo soomaaliya

69

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay in Ciidankiisa uu kala baxayo somalia haddi hal askari oo kamid ah ciidanka Uganda laga soo saaro somalia.

Uganda waxaa somalia ka jooga 6,400, Askari oo Lacago aad u badan ku qaata magaca waxa loogu yeero nabad ilaalin waxaana museveni uu ku hanjabay in Askartaas uu gabi ahaanba somalia kala bixi doona.

Museveni wuxuu intaa ku daray in Uganda ay askarteeda kala bixo doonto somalia balse aysan hadda aheyn maadama uu sheegay in somalia aysan laheyn ciidan awood leh oo ku filan in ammaanka ay la wareegeen.

Kun Askari oo kamid ah ciidanka Amisom ayaa la qorsheeyay in dalka laga saaro si ammaanka ay u hantaan ciidanka somalia balse kunkaas askari ee Amisom waxaa kasoo horjeestay in dalka laga saaro madaxda dalalka ay ciidankooda somalia joogaan iyagoo dhaqaalo waali ah ku qaata ciidanka somalia ka jooga.