Ryan Giggs oo wareesi dheer bixiyey kaga hadlay ciyaaryahankii ugu fiicnaa uu la ciyaaro ma Rooney ama Ronaldo mise Tevez?

91

Isniin March 11 by Lii.Naafac.

Ryan Giggs ayaa wareesi dheer uu bixiyey kaga hadlay awooda ciyaaryahaneed ee C.Ronaldo uu ku tilmaamay in uu yahay xidigii ugu fiicnaa uu la ciyaaro kubada cagta noloshiisa ciyaareed.

C.Ronaldo oo si layaab leh ugu biiray kooxda Juventus suuqii xagii lasoo dhaafay ayaa 5 jeer hore ugu soo guuleestay koobka horyaalada Yurub ee UAFA Champions Leugue 4 jeer ula qaaday Real Madrid iyo hal jeer uu kula guuleestay xiligiisii Man United.

Ronaldo ayaa eeganaya in markiisii lixaad in uu ku guuleesto tartankan walibo saddex koox oo kala duwan, sidoo kale horaanta sanadkan ayuu u dabaal dagay dhalashadiisa 36aad taasoo dad badan ay ka shaki soo geeliyaan xiliyada ciyaaryahanada ee kor u dhaafaan 35 sano.

Giggs ayaa sido kale sheegay in Ronaldo uu ciyaaro ilaa da’da 40 sano uuna abood u leeyahay ilaa waqtigaas in uu soo bandhigi karo qaab ciyaareed wanaagsan mar uu ka hadlayey waxa uu yiri:

” Isagu (Ronadlo) waa garab, taaso uu dadka uu ku garaaco, waxa uu dhaliyaa goolal, xaqiiqdii gudaha fog iyo dhawba waa u ka dhalinayaa, madax, gudaha bokis dhexdiisa iyo banaankiisaba, laadadka xorta ah iyo nuuc walbo ayuu u dhalinayaa”

 

” Isagu waa midka ugu wanaagsan aan la ciyaaray, marka aad eektid waxa uu ka sameenayo tababarka keliya ma ahan sidoo kale dibada waa uu ku sameenayaa” ayuu u sheegay Goal Jonhensburg.

“Lama yaabayo weli in uu ciyaarayo sido kalena yahay mid heer sare ah”

“Ronaldo, haddii aad fiirisid isagii lee kuu muuqanaya, waxaan dhihi karaa waxaa weli ciyaari karaa ilaa 40 sano sida aan u maleenayo”