Faafaahin: Shirkii Jaraa’id ee Perez,Zidane iyo waxyaabihii ay kaga haldeen halkan kaga bogo.

117
ZIDANE EN LA SALA DE PRENSA DEL BERNABEU.

Isniin 11 March 2018 By Liinaafac.

Saacado kooban ka hor ayey Real Madrid ku dhawaaqday in Zinidine Zidane uu yahay tababaraha bedelay Santiego Solari oo la eryey.

Zidane ayaa u saxiixay Real Madrid heshiis uu kusii joogay ilaa 2022, waxa uuna 10 bilood ka hor iska casilay xilkan uu hadda kuso laabtay haddaba waxaan eegeenaa shirkii jaraaid iyo waxyaabihii ay kaga hadleen madaxweynaha Real madrid iyo tababare Zidane.

” Tani waa bilow cusub, iyo ka gudbin cusub uu inaga bixinayo dhibka midka mid halyeeyadeena tusaalaha ah waana Zinedine Zidane” ayuu ku bilaabay Perez

” Tababaraha ugu wanaagsan halkan ayuu joogaa, mahadsanid Zizu daacadnimadaaada iyo qabeynta kooxda halyeeyada”

Zidane ayaa markiisa hadalka qaatay isagoo dhinacyo badan ka hadlay waxa uuna yiri.

” Aniga waan ogahay waa maalin qaas u ah, qof walbo, aad ayaan u faraxsanahay, waxii ugu muhiimsanaa madaxwaynaha ayaa dhahay, aad ayaan ugu faraxsanahay inaa dib ugu soo laabto gurigeyga”

” Wax kaloo aan dhahaayo ma jiro, waan ku faraxsanahay inaa dib usoo laabto, waxaana doonayaa inaan shaqeeyo kooxdana meesha ay u qalantay in aan keeno hadda waxaan diirada saarayaa tababarka bari”

” Aniga uma bixin si fog, weli waa u noolahay halkan, waan ku faraxsanahay in aan tababaro kooxdan iyo safkaan”

” Waan soo laabtay sababtoo ah madaxweynaha ayaa i wacay, anigane waan jeclahay madaxweynaha (Perez) iyo kooxda”