Maanta oo kale Kubada Cagta maxaa ka dhacay? (Gerrard,Mario Gomez iyo xasuustisii gool dhalineed iyo Arsenal oo la garaacay kaga bogo halkan)

73

Arbaco 13 March 2019 by Lii.Naafac

MAANTA OO KALE IYO KUBADA CAGTA.

Maanta oo kale 13 March 2012, Steven Gerrard ayaa 3 gool u dhaliyey kooxda Liverpool kulan ay la ciyaartay Everton kaas oo loogu yeero Mereside Derby.

Gerrard ayaana noqday xiligaas xidigii ugu horeeyey ee Saddeley ka dhaliya Mereside Derby tan iyo Ian Rush ciyaar Liverpool 5-0 ku adkaatay dhacdayna 1982 iyo sidoo kale xidigii ugu horeeyey ee ku dhaliya 3 saddexley garoonka Anfield Road tan Frew Howe 1935.

Maanta oo kale 13 March 2012, Mario Gomez ayaa afar gool dhaliyey kulan ciyaareed uu ka horyimid kooxda Basel isagoo u ciyaara kooxdiiaii hore ee Bayern Munich ee dalka Germany.

Maanta oo kale 13 March 2016, Wattford ayaa garaacday kooxda Arsenal 2-1 kaga adkaatay ciyaaar ka tirsaneed koobka FA Cup iyadoo marti ah.