Muxuu ka yiri tababaraha guushii mucjisada ahyed ee kooxda Juventus gaartay tababaraheeda Max Allegri?

85

Arbaco 13 March 2019 by Lii.Naafac

Kooxda Kubada cagta Juventus ayaa xalay guul soo laabasho laheyd ka gaartay dhigeeda kooxda Atletico Madrid.

Kulankii hore waxa ay Atletico Madrid kaga soo adkaatay garoonkeeda 2-0 balse kulankii xalay waxaa dhacay Juventus ayaa soo ceshatay natiijada halna ugu dartay micnaha 3-0 ayey kaga adkaatay dhigeeda Atletic Madrid.

Haddaba tababaraha kooxda Juventus Max Allegri ayaa ka hadlay kulanka waxa uuma yiri:

“Juventus ilaa iyo haatan wax fiican ma sameynin, balse kooxda waxay qabatay shaqo fiican, taasoo ah inay ilaashadeen diirad saarida ciyaarta”.

“Waxaan heysanay 95 daqiiqo si aan u dhameystirno shaqada adag ee inoo tiilay, kooxdu waxay u qalantaa in loogu hambalyeeyo wax qabadkooda kulankan”.

Intaas kadib Massimiliano Allegri ayaa u soo jeestay ka hadalka xidiga shanta jeer ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or ee Cristiano Ronaldo. Kadib saddexleydii uu kulankan ka dhaliyay.

“Waxay ahayd wax cajiib ah in Ronaldo uu ka dhaliyay xili ciyaareedkan oo dhan 1 gool  oo kaliya ee ah tartankan, wuxuu u ciyaaray si wanaagsan”.

“Dhamaan ciyaartoyda, dhamaan ciyaartoyda iyo jamaahiirta waxay ka qeyb qaateen guushan”.