XOGO: Kulamadii xalay dhacay oo laga diiwaan geliyey rikooro aan hore loo samenin!!

87

Arbaco 13 March 2019 by Lii.Naaafac

Waxaa xalay la ciyaaray kulamo ka tirsan koobka UEFA Champions Leugue wareeegiisa 16-ka lugtiisa labaad waxaana la ciyaaray labo.

Kulan dhex maray kooxaha Man City iyo Schalke iyo kulan adag oo ay balansanayeen kooxaha Juventus iyo Atletico Madrid, waxaana kasoo baxay waxyaabo aan hore looga diiwaan gelinin tartankan, waxaan si guud aan u eeganaa rikooroyinka kooxeed iyo mid shaqsiyadeedba:

✅Kooxda Kubada Cagta Juventus ayaa markeedii ugu horeesay 2 gool kasoo laabatay tartanka UCL.

✅ Manchester City ayaa markii ugu horeesay wareega bug baxda 7-0 ku adkaatay sidoo kale waxa ay sameesay 10-2 isku dar labada lug kusoo baxday tariikhda abid.

✅ Sergio Aguero ayaa afar kulan oo xiriir ah markii ugu horeesay dhalinaya tartanka UEFA Champions Leugue.

✅ Leroy Sane ayaa dhaliyey 50 gool heerka kooxaha uu u ciyaaray.

⚽Schalke 13
⚽Man City 37.

✅ Sergio Aguero ayaa hada dhaliyay 25+ gool dhamaan tartamada oo dhan, taaso kadhigeysa in 8dii Xiliciyaared ee ugu danbeeyay 7 kamid ah ugu yaraan uu dhaliyay 25 gool.

✅ 2011/12: 30
❌ 2012/13: 17
✅2013/14: 28
✅2014/15: 32
✅2015/16: 29
✅2016/17: 33
✅2017/18: 30
✅2018/19: 26

✅ Pep Guardiola ayaa gaarayey ama dhaafayey wareega 8-da ah 10 xili ciyaareed uu hogaamiyey 3 kooxood 2 jeer waa uu qaaday, 2 jeer wareega 8-da ayuu gaaray, hal jeer wareega 16-ka ayuu gaaray halka5 jeerna wareega afarta uu gaarayey

08/09 🏆 Champions
09/10 Semis
10/11 🏆 Champions
11/12 Semis
13/14 Semis
14/15 Semis
15/16 Semis
16/17 Last 16
17/18 Quarters
18/19 Quarters.

✅ C.Ronaldo aya diiwaan gashtay saddexleydiisa 52 aad ee tariikhda uu dhaliyo.

✅ Kooxda Altetio Madrid uu xalay la ciyaarayey tariikhda tartanka UEFA Champions Leugue waxa ay ka dhalisay 118 gool halka isaga uu ka dhaliyey 124 gool.

✅ C.Ronadlo ayaa ka dhaliyey wareega bug baxda 63 gool halka Atletico Madrid ay ka dhalisay 52 gool oo qura.

✅ Ronaldo ayaa barbareeyey Lionel Messi tartanka UEFA Champions min 8 saddexley ayey wada leeyihiin.

✅Ronaldo Waxa dhaliyey goolkiisa 63 gool wareega bug baxda tartanka UCl iyo 14 caawin taasoo ka dhigan in 77 gool ku lug leeyahay 77 kulan uu saftay.