Maanta oo kale maxaa kubada cagta ka dhacay? Messi oo rikoor ka dhigay tartanka UCl iyo Liverpool oo United garaacday kaga bogo halkan.

30

Khamiis 14 March 2019 by Lii.Naafac

MAANTA OO KALE IYO KUBADA CAGTA:

✅ Maanta oo kale 14 March 2018, L.Messi ayaa dhaliyey goolkiisa 100 tartanka UEFA Champions leugue, Leo ayaa gaaray 100 gool tartankan UCL waxa ayna ku qaadatay 123 kulan, waxa uuna noqday ciyaaryahankii labaad heerkaas gaara kadib C.Ronaldo oo ay ku qaadatay 144 kulan in uu ku dhaliyo 100 gool.

✅ Maanta oo kale 14 March 2009, Liverpool ayaa ku garaacday Ol Trafford kooxda Man United, Kooxda Liverpool oo cadawaad kala dhaxeeso kooxda Man United ayaa maanta oo kale 2009kii ku garaacday 4-1 guul ah, waxaana goolasha ka dhaliyey ciyaartaas.

23′ ⚽ Ronaldo Man United 1-0
28′ ⚽ Torres Liverpool 1-1
44′ ⚽ Gerrard Liverpool 2-1
77′ ⚽ AurelioLiverpool 3-1
90’ ⚽ Dossena Liverpool 4-1.

✅ Maanta oo kale 14 March 1979, Niclos Anelka ayaa dunida kusoo biiray.

Anelka ayaa u dabaal dagay dhalashadiisa 40aad kadib markii uu soo caga dhigtay koonkan 1979, Anelka ayaa usoo ciyaaray kooxo badan oo ay ka mid yihiin Arsenal,PSG,Real Madrid,West Brom iyo Manchester City ilaa shiinaha xitaa waa uu kasoo ciyaaray xidigan.