Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

120

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Miino oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sidda ay goobjoogayaal ino xaqiijiyeen Qaraxa ayaa ahaa Miino waxuuna ka dhacay meel u dhow Isgoyska bakaaraha ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa la geliyay Goob qashin qub ah.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa meel ku dhow waxaa fadhiista Ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Booliska.

Dadka degaanka waxa ay xaqiijiyeen in aysan jirin Cid waxyeelo ay kasoo gaartay Qaraxaasi caawa kadhacay bakaaraha.