Home Wararka Qarax ka dhacay Mudug

Qarax ka dhacay Mudug

100

Inta la xaqiijiyay  labo  ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii qarax miino uu la kacay gaari Maraayay dhanka bari ee degmada Galdogob ee gobolka Mudug sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degaanka.

Gaariga Qaraxu haleelay ayaa noociisa lagu sheegay Iska’rogo, waxaana la sheegay in uu ka shaqeyn jiray Magaalada, islamarkaana uu soo qaadi jiray dhagaxaanta iyo Caradda lagu dhiso guryaha.

Gaariga ayaa la sheegay in miinadu la kacday xilli uu marayay degaanka lagu magacaabo Taloole oo qiyaastii 6KM dhanka bariga kaga beegan magaalada Galdogob.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa shaaciye24 u xaqiijiyay in guud ahaan uu burburay gaarigii Qaraxu Haleelay.