RASMI: Zidane oo saxiixiisa kowaad sameeyey xidigee ayuu lasooo wareegay?

51

Khamiis 14 March 2019 By Lii.Naafac

Zinedine Zidane ayaa bilaabay saxiixiisaa kowaad kal ciyaareedkan.

Daafaca dalka Brazil iyo kooxda Porto Eder Militao ayey Real Madrid Website-keeda ku sheegtay in ay lasoo wareegtay xidigan:

” Real Madrid iyo Porto waxa ay heshiis ka gaareen saxiixa Eder Militao, kaasoo kooxda la joogi doono lixda sano ee soo aadan ilaa June 2025″

21 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaatay kooxda Porto 50 million oo Euro ayuuna Real ugu soo wareegay, waxaana ka caawiyey in heerkaas uu gaaro xidigan rugcadaaga dalka Portugal Pepe oo ay iska garab ciyaarayaan xili ciyareedkan, waxa uuna kooxdiisa u saftay 34 kulan dhamaan tartamada kooxda Porto.