Home Wararka Xiliga Loofariisanaayo Imtixaanka Qaranka oo La Shaaciyay

Xiliga Loofariisanaayo Imtixaanka Qaranka oo La Shaaciyay

38

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumada Soomaaliya  ayaa shaacisay waqtiga uu qabsoomayo imataxaanka qaran ee sanad dugsiyeedkan.

Cabdulaahi Goodax Barre wasiirka waxbarshada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ardayda dugsiga sare ee fasalka 12-aad ay ay imtaxaanaadka qaranka u fariisan doonaan 11-ka ama 16-ka bisha 5aad ee May 11,islamarkaana uu ka qabsoomi doono guud ahaan dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tirada ardaydan sanadkan ee imtaxaanka u fariisaneysa ay gaareyso 45 kun,isla markaana ay aad kaga badanyihiin  marka loo barbar dhigo tirade u fariisatay imtaxaanaadka qaranka sanadkii tagay.

Cabdulaahi Goodax Barre ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in tirada ardayda ee sanadkan ka qalin jabineysa dugsiga sare 100-kiiba 20 ay kor u kacday,sidaas darted imtaxaanaanka uu noqon doono mid ka duwan sanad dugsiyeedkii la soo dhaafay.