Deg Deg: Madaxweynaha Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

106

Wafdi ballaaran oo u hoggaaminaayo Madaxweynaha dowladda Jabuuti ayaa goor dhow soo gaaray Muqdisho, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wafdiga madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxaa ka mid ah 4 wasiir, 9 xildhibaan oo baarlamaanka Jabuuti ka mid ah, masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada, saraakiil ciidan, abwaano iyo fanaaniin.

Madaxweyne Geelle ayaa xariga ka jari doona Safaaradda Cusub ee Jabuuti oo ku taalla degmadda Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, taasoo la dhagax dhigay 2017-kii.

Booqashadiisa oo qaadan doonta labo maalin ayuu sidoo kale ku tagi doonaa Magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Hiilwalaal.