Dowlada Soomaaliya oo Dabagal iyo Cadaadis Toos Ah Ku Bilawday Xasan Sheekh, Sheekh Shariif & C/raxman C/shakur iyo Macluumaad

87

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegeysa in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay Warqad digniin u dirtay qaar ka mid ah Hotelada ugu waa weyn Magaalada Muqdisho, iyadoo looga digay in aysan kulamo ku yeelan karin Xisbiyada ay kala hoggaamiyaan Madaxwenayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif iyo Siyaasiga ugu weyn Mucaaradka Dowlada Cabdi raxmaan Cabdi shakuur.

Hotelada ayaa loo sheegay in Xabsi iyo Ganaax ay ku marteysan doonaan hadii lagu qabto Shirar Mucaaradka ku abaabulayaan Kacdoon ka dhan Dowlada iyo Seminaaro.

Saraakiil wata Ciidamo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya ayaa Hotelada geeyay Warqadaha digniinta, iyadoo sidoo kale Wararka qaar ay sheegayaan in Hotelada waa weyn ee Muqdisho ku yaala mid kasta ay Dowlada dajineyso Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka si uu kaga warhayo xaalada Hotelada iyo Kulamada ka dhacaya.

Hotelada qaar ayaa kasoo horjeestay in shaqsi Dowlada ka tirsan uu Hotelkooda wax ka maamulo.

Villa Somalia ayaa dagaal xoogan kula jirta Mucaaradka kasoo horjeeda, iyadoo hore u joojisay Seminaaro ka dhacayay Muqdisho iyo Baydhabo oo ay wadeen Xisbiyada ay kala hogaamiyaan Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.