Gaadiid ay AMISOM leeyihiin oo Miino kula qaraxday duleedka degmada Balcad.

69

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in labo kamid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada AMISOM ay miino kula qaraxday meel ku dhow degmada Balcad oo 37km dhinaca waqooyi kaga began magaalada Muqdisho.

Gaadiidkan ayaa la sheegay inay ku sii jeedaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe iyadoo weerarkan miinada ah uu ku dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa ka dhaca weeraro ay ka geystaan dagaalamayaasha Al-Shabaab iyadoo kala kulma weeraro dhabo gal ah iyo qaraxyo.

Sidoo kale wadadan ayaa waxyeelo ay ka soo gaartaa dadka rayidka ah waxaana bishii aynu ka soo gudubnay ay miino kula qaraxday baabuur kuwa xamuulka qaada ah waxaana ku dhintey labo ruux oo kala ahaa darawalkii iyo caawiyihiisii.

Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in saaka ay howlgalo ka wadaan ciidamo isugu jira AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya wadada isku xirta magaalada Balcad iyo Jowhar.