Madaxweynaha jabuuti oo maanta ku soo wajahan muqdisho.

50

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kusoo jeeda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wafdi Ballaaran oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano, Wasiiro iyo waxgarad ayaa ka mid ah Wafdiga uu hoggaaminaayo Madaxweyne Geelle ee kusoo jeedda Muqdisho.

Waxaa Muqdisho maanta uga bilaaban doonta Booqasho rasmi ah , islamarkaana hadda waxaa socda soo dhaweynta iyo diyaargarowga loogu jiro Wafdiga uu hoggaaminaayo Madaxweyne Geelle.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaa meelaha qaar lagu sharaxay Sawirka Madaxweynaha jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle