Sancho ” Anigaa waan daawada Mbappe iyo Rashford…. Waan hubaa iyagana in ay sidaas ii daawadaan”

68

Sabti 16 March 2019 by Lii.Naafac

Xidiga da’ yarka dalka Ingiriiska Jodan Sancho ayaa xili ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda Burossio Dortmund ee dalka Germany.

Da’ yarkan ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyey ee 8 gool ka dhaliya horyaalka Germany ee Bundusliga sidoo kale waa da’ yarkii ugu horeeyey ee gool u dhaliya kooxda Brussio Dortmund.

Sancho oo wareesi siiyey barta Youtube ay ku leedahay kooxdiisa ayaa meelo badan ka hadlay sidoo kale, waxa uu ka dhawaajiyey in Mbappe iyo Rashford ay u yihiin dhiiri gelin, waxa uuna sheegay in uu ku raaxeesto dawaashadooda.

Da’yarkan ayaa kal ciyaareedkan 18 gool ku lug leh 10 uu caawiyey iyo 8 gool uu dhaliyey.

Waxaa saxiixiisa isku heesto kooxo badan oo qaarada Yurub ah, Man United ayaana ku waalan soo qaadashada xidigan Jodan Sancho.