Shaqaalaha Wasaaradaha Qaarkood oo Loo Diiday Inay Maraan wadada horumarta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya

107

Wadada Sayidka ee horumarta Madaxtooyadda Soomaaliya oo xilli hore laga mamnuucay isticmaalka gaadiidka shacabka, ayaa dhawaan sidoo kale laga mamnuucay qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya.

Warar aan helnay ayaa sheegaya wadada sayidka loo ogolyahay kaliya wasaaradada ka dhex shaqeeyay madaxtooyada.

Halka kuwa wasaaradaha kudhex laheyn madaxtooyada lagu war galiyay inay gadiidka ugasoo dagaan kontaroolka sayidka iyo beerta nabadda.

Wasaaradaha Madaxtooyada ku dhexyaala ayaa kala ah, warfaafinta, haweenka, qeyraadka, gudiga doorashooyinka, xafiiska hanti dhoorka, xafiisyada madaxtooyada iyo midka ra’isal wasaaraha, wasaarada ganacsiga.

Waxaa xusid mudan hareeraha madaxtooyada lagu iibiyo qaad ayna kuyaalaan maqaayado laga qayilo.

Tilaabaddan ayaa timid  ka dib markii uu amar kasoo baxay maamulka Sare ee Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd xili uu qarax ka dhacay maqaad ku agtaala godka jilacow.

Qaar ka mid ah Shaqaallaha Wasaaraddaha ayaa cabasho iyo cabsi badan ka muujiyay tilaabaddaan, waxaana ay sheegeen in Wadooyinka Muqdisho qaarkood ay ka cabsi qabaan in ay maraan.