XANUUN: Xidigo waa weyn oo cambaareeyey weerarkii argagaxisada ahaa ee shalay lagu weeraray muslimiinta New Zealand.

103

Sabti 16 March 2019 by Lii.Naafac.

Labo masjid oo ku yaala gudaha dalka New Zealand gaar ahaan magaalada Christchurch ayaa shalay xiligii salaada jimcada lagu weeraray dad muslimiin ah oo aan waxbo galabsan, nin hubeesan ayaa weerarkan geestay oo ku dilay 49 qof halka 20 kale ay dhaawac yihiin.

Dad badan ayaa weerarkaasi muslimka nacebka haaa dhaleeceeyey waxaana qeyb ka ahaa dadka kasoo hadlay ee shacuurtooda iyo dareenkooda ceshan waayey madaxwenaha dalka Turkiga Rcep Tyyip Erdogen iyo Madaxweynaha Somaaliyaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale ciyaaryahano badan ayaa baraha bulshada Internetka ay ku leeyihiin ku muujiyey sida ay ugu xun yihiin, falka arxandarada ah ee halkaa ka dhacay.

Xidigaha kasoo fal celinyey waxaa qeyb ka ah, xidiga kooxa Liverpool Mohamed Salah,Sergio Auguero,Honda,Mouse Sissoko,Kolibaly,Damba Ba iyo Kenoute oo dhamaan ka xumaaday weerarka argagixisada ahaa ee shalay uu ku kacay nin u dhashay dalka Australia.

Xidigahan ayaa si isku mid u dhaleeceyey ama u cambaareeyey weerarkaasi waxa ayna dhamaantood tacsi u direen dadkii iyo heladii ay ka geeriyoodeen dadkii shalay lagu gumaadau weerarkaasi.