Dagaal Ka Socda Degmada Cadalle oo Xoogeystay.

218

Wararka Shabakadda Shaaciye24 ay ka heleyso  degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya in halkaas uu ka socdo dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo beeleed oo wada Dega  deegaankaas.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka labada beellood uu salka ku hayo lahaanshaha dhulka ka tirsan deegaanka lagu dagaalamayo.

Dagaalka oo bilowday Subaxnimadii Saaka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay khasaaro isugu jira Dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo Dad shacab ah inakstoo aan la xaqiijin Karin Tirada Rasmiga ah ee Ku wexyooloowday Dagaalkaas.

Beelaha dagaalamaya ayaa horay waxaa dagaalkooda u joojiyay ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa militariga Soomaaliya, hasse ahaatee ciidamada ayaa la sheegay in markii danbe ay isaga baxeen deegaanka, taasoo keentay in mar kale uu dagaal ka dhax bilaawdo labada beellood.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa marar badan oo  hore isku dayay in uu heshiis dhax dhigo labadan beellood  hayeeshee waxaa muuqda inaan lagu guuleysan Xalinta Colaada u dhaxeysa labada Beelood.