War Cusub: Varane oo ka tagaya Real Madrid ( Maxaa is bedelay?)

163

Talaado 19 March 2019 by Lii.Naafac

Xidiga xulka France iyo Kooxda Real Madrid ugu ciyaara qalbada dhexe ee daafaca Rapheal Varane ayaa lasoo warinayaa in quul dareenayo ka tagista Real Madrid.

Varane oo ah xidig yaraantiisaba ku guuleestay 4 Champions Leugue iyo koobka Aduunka ayaa doonaya in uu sameeyo tartan cusub si u galo nolol cusub oo ku aadan dhinaca kubada cagta.

Varane ayaa ku qaadanaya kooxda Real Madrid 8 xili ciyaareed isagoo kula guuleestay 16 koob oo kala duwan.

Sida ay soo warineeso L’Equipe go’aankiisa ka tagista Real Madrid kuma aadana xili ciyaareedka xun ay ku jirto kooxda Real Madrid iyo soo laabashada Zidane.

Kooxo badan ayaa heegan u galaya saxiixa xidigan haba ugu horeesee kooxda Man United oo waqtiyo badan isku day saxiixa xidigan Raphael Varane.

Varane ayaa kusoo biiray Real Madrid 2011 isagoo ugu soo dhaqaaqay aduun lacageed dhan 10 million oo Euro kooxda Lille ee ka ciyaarta horyaalka Faransiiska ee Leugue 1, weli 25 jir ku guuleestay wax walbo oo ugu baahan yahay kubada cagta.