Zidane oo bartilmaameedkiisa kowaad ka dhigtay dheymanka madoow ee Liverpool.

76

Talaado 19 March by Lii.Naafac

Tababaraha kooxda Real Madrid Zidine Zidane ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Cad-cadka ee Real Madrid mudo 10 bilood ah uu ka maqnaa, waxa uuna hogaaminayaa todobadkiisa labaad ee kooxda.

Zidane ka hor inta uusan ka tagin kooxda Real Madrid waxa uu daneenayey saxiixa xidiga kooxda Liverpool Sadio Manè oo u arkayey mid uu ku xoojin karo weerarka kooxdiisa, isla hadda ayuu dib u bilaabay oo kama bixin maankiisa xidigan sida aadka ah ugu dhex muuqda kooxda Liverpool kal ciyaareedkan.

Sadio Mané waa furaha guulaha tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Kopp kal ciyaareedka, waxa uu dhaliyey 20 gool dhamaan tartamada isagoo labo gool uu kaga dhaliyey kooxda Bayen Munich garoonkeda ay Liverpool u sahashay in ay si fudud kaga soo baxday wareega 16-ka tartanka UCL, ciyaar 3-1 ay kaga adkaadeen.

 

Mane ayaa sidoo kale gool kale dhaliyey todobaadkan guduhiisa ciyaar kooxdiisa Liverpool ay wajahday kooxda Fulham 2-1 kaga adkaadeen, waxa uuna ka dhignaa goolkaas 11 kulan u dambeesay uu u ciyaaray kooxdiisa Liverpool in uu u dhaliyey 11 gool, sidoo kale waxa uu hal gool ka dambeeyaa hogaamiyaha gool dhalinta horyaalka EPL ee Sergio Auguero oo leh 18 halka Mané uu leeyahay 17 gool.

Sida ay soo warineeso majalada dalka France Football Zidane ayaa aad xiisanaya xidigan waxa uuna doonayaa xagaaga soo aadan in uu ku xoojiyo shaxdiisa uu ku ciyaarayo.