WARIYAASHA WAA SHEEGAYAAL, MA’ AHA DEMBIILAYAAL

255

Wariyuhu waa sheege, iyo faallo bixiye xaaladda uu arko ama ay u shegeen ilo wareedyada; Waa goobjooge iyo marqaati. marna laguma eedeyn karo gudashada waajibkiisa/waajibkeeda joogtada ah.
Sax ma aha in cadow lagu tilmaamo wariyaha iyadoo sababta kaliya tahay inuu ka soo waramayo dhacdo wareed. Muhiim ma’ahan in suxufiyiinta sida maamulka/dowladdu rabto u sheegaan dhacdada, kumana qasbana.
Waa dulmi iyo u qiil dayid faafreeb aan loo baahneyn. Waa ku xadgudub qodobadda aas aasiga ah ee Dastuurka (EEG QODOBKA 18AAD) oo qeexaya xorriyadda war tebinta iyo soo bandhigista afkaarta.
Marka uu weerar ama qarax dhaco ama musiibooyinka kale, waxa ugu horreeya ee qof waliba u raadiyo waa “xaqiiqda waxa dhacay” si ay dadweynuhu go’aan ku habboon uga qaataan dhacdada markaa taagan ee noloshooda saameyneysa.
Cidda ugu horreysa ee xogta soo gudbin karta, weliba isku mar dad fara badan gaarsiin karta waa saxaafadda (noocyadeeda kala geddisan). Markaa aad iyo aad ayey muhiim u tahay in wariyaasha iyagoo taxaddaraya inay gaaraan goobaha qaraxyada ama weerarada ka dheceen/dhacayaan si ay waxa ay arkeen iyo waxa ay ka heleen ilaha wareed u soo gudbiyaan.
Haddii la waayo wariyaal ka soo warama goobaha ay dhacdooyinkan ka taagan yihiin, waxaa adkaaneysa in faham quman laga yeesho meesha wax ka dheceen, sida ay u dheceen iyo nooca dhacdada intuba.
Dhanka kale, Dastuurka Qabyada ee Federaalka Soomaaliya wuxuu muwaadiniinta xaq u siinayaa helista xogta oo ay ku jirto xogta ay dowladdu heyso, waxa la og yahay iyo waxaan la ogeyn intuba.
KAALINTA WARIYAHA JOOGA GOOBTA QARAXA AMA WEERARKA:
Ma jirto xaalad kaliya oo la isku raacsan yahay oo wararka dhacdooyinka argagixisada loo tebiyo. Hase yeeshee hay’ado warbaahineed oo kala duwan ayaa ku dhaqma nidaamyo kala geddisan.
– Wariyaha ka soo waramaya goob qarax ama weerar uu ka socdo/dhacay, waxaa habboon inuu ugu horreyn ka taxaddaro/taxadarto naftiisa/nafteeda kahor inta aan la fekerin tebinta dhacdada.
– Wariyuhu wuxuu sheegayaa waxa uu arkay, maqlay ama uu ka xigtay ilo wareedyada.
– Wariyuhu wuxuu intii awooddiisa ku dadaalayaa inuu xogta sheego waxa uu og yahay/ogtahay iyo waxa aan la ogeyn.
– Wariyuhu waa inuusan ku dhawaaqin dhimashada qof/ruux weli dhimashadiisu aysan ka warheyn ehelkiisa, uuna sugo/sugto illaa ehellada ruuxaasi xaqiijiyaan/ ama iyagaba loo xaqiijiyo in qofkooda uu geeriyooday.
– Wariyuhu waxa wanaagsan inuu ka taxaddaro khatar gelinta dadka weli nool ee laga yaabo inay goobta wax ka dheceen ku go’doonsan yihiin.
– Dhacdo kasta waxaa ku lug leh wax ka badan hal dhinac, markaa waxaa fiican in wariyuhu si taxaddar leh, oo aan buun buunin ku jirin u xigto dhammaan dhinacyada dhacdadu khuseyso.
DOWLADDA:
Haddii hay’aduhu dowladdu ka xun yihiin wararka “xun” ee saxaafadda tebineyso, waa inay ogaadaan in ka soo waramidda dhacdada aysan ahayn doorashada wariyaha ee ay tahay xaalad wariyuhu ku qasban yahay/qasban tahay. Wax masuuliyad ama eedeyn ah wariyuhu kuma yeelanayo dhacday.
Kan sameeyay qaraxa/weerarka iyo askarigii loo tababaray inuu baajiyo ayey dooddaasi u taallaa. Iyaga ha iska wareysteen!!!
Annaga kubbadan kama nihin ciyaaryahanno iyo garsoorayaal midna, ee waan daawaneynaa, waana ka sheekeyneynaa kaliya. Intaas haddii aad nagu colaadineyso OGOW waxaad indhaha ka xiraneysaa xaqiiqada. Xaqiiqada oo indhaha la xirtana dhibaatada ma xalineyso!!!

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin