SOMAALIYA MAXAA U DIIDAYA XUKUNKA SHAREECADA ISLAAMKA ?

157

Dalka Brunei oo dhaca qaaradda Asia ayaa waxaa maalinta arbacada ah ee todobaadkan si rasmi ah uga dhaqan gali doona ku dhaqanka shareecada islaamka iyo fulinta xuduudaha sharciga.

Ku dhaqanka shareecada islaamka ayaa gundhig u noqon doona qawaaniinta dalkaas, waxaana dil lagu xukumaya dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda, dadka guurka soo maraya ee galmo sameeya, iyo in gacanta laga gooyo qofkii xatooyo sameeya, iyadoo loo maraayo kitaabka raxmaanka .

Majliska loogu yeero Qaramada Midoobey ayaa cambaareysay sharciga Islaamiga ah ee ku dhaqankiisa uu toddobaadkan ka hir-galayo dalka Brunei, kaasi oo ay ku qeexday “mid arxan darro ah, oo ka baxsan bani’aadannimada, taasi oo si cad ay kula dagaalameyso ku dhaqanka shareecada islaamka ee allaah uu adoomadiisa uga raali noqonaayo.

Boqortooyada Brunei, waxaa muddo 51 sano ah xukumayey Sultan Hassanal Bolkiah, waxaana tusaalo ay u tahay wadamada islaamka ee aan shareecada islaamka looga dhaqmin amaba lagu xukumin.

Haddaba soomalia maxaa u diidaya in shareecada islaamka ay isku xukunto mar haddii bulshada soomaaliyeed ay %100 yihiin shucuub islaam ah oo weliba sunni ah?