Dhageyso: Gudoomiye Yariisow oo sheegay in Lagu Raad Joogo Askarigii Dilka Geystay.

102

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Injineer- Cabdirahman Cumar Yariisow ayaa sheegay inay baaritaano ku hayaan ninkii ka dambeeyey dilka Wiil Bajaajle ahaa iyo qof la socday oo shaley lagu diley magaalada Muqdisho.

Falkaan toogasho waxaa geystey askari booliis ah oo ilaa iyo haatan la doon doonayo in lasoo qabto. Waxuuna abuurey banaanbaxyo laga dhigay Muqdisho.

Sahra Abdi Ahmed ayaa wareysi ay la yeelatey gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdirahman Yariisow weydiisey waxaa keenayo in falalka dilalka ah ee Bajaajleyda ay ciidamada u geysanayaan waxaa soo celceliyey iyo Waxey ka qabanayaan?