Banaanbax ka socda Beledweyne oo Arday lagu dhaawacay

94

Waxaa banaanbax saakay uu ka soconayaa Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan, kaasi oo ay dhigayaan ardayda Soomaaliyeed, iyagoo ka cabanaya go’aankii ka soo baxay wasaarada Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Ardayda ayaa haataan waxaa ay ku sugan yihiin Nawaaxiga Buundo weyn ee Magaalada Beledweyne Ee Gobalka Hiiraan, iyagoona halkaasi ay ka dhigayaan cabasho ay ka muujinayaan hakadka la geliyay imtixaanka Dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ciidamada amaanka ay rasaas ku ridayaan ardayda Soomaaliyeed ee dibadbaxa ka dhigaya magaalada Beledweyne.

Inta la ogyahay 3 ruux ayaa ku dhaawacan tahay rasaasta ay ridayaan ciidamada amaanka ee Magaalada Beledweyne.

Xalay Wasiirka Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu fashilamay Imtixaankii ay Wasaadu qaadeysay Seddaxdii maalin ee lasoo dhaafay isla markaana dib loogu noqonayo imtixaan kale.