Deg Deg: Qarax Goordhow ka dhacay Magalada muqdisho

190

Jugta qaraxa ayaa goordhow waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyey waxayaabaha qarxa,waxaana qaraxa kadib degmooyinka Gobolka Banaadir laga arkayay Uuro cirka isku-shareertay.

Gawaarida Gurmadka deg dega ayaa haatan kusii qul quleysa Goobta uu qaraxa ka dhacay ee degmada Wartanabada Gobolkan Banaadir.

Xilliga qaraxa uu dhacayay ayaa waxaa Magalada Muqdisho ka socday banaanbax ay dhigayeen Ardayda dhigata Dugsiyada Sare ee Gobolka Bnaadir kaas oo ay uga soo horjeedaan Go’aanka wasiirka Waxbarashada uu ku joojiyay imtixaankii socday.

Wararka kusoo kordha kala socda Shaaciye24.com