Matthijs de Ligt oo sheegay in uu dalabyo ka helay kooxaha ugu tunka weyn yurub

116

Daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa weli qarinaya in uu si dhab uga hadlo mustaqbalkiisa gaar ahaan halka uu xilli ciyaareedka dambe ka ciyaarayo .

Laacibkaas reer Holland ayaa ka yiri wargeyska Metro ” halkee ayaan xilli ciyaareedka dambe ka ciyaarayaa? run ahaantii horyaalka Ingiriiska waa horyaal weyn sidoo kale kan Spain sidaas oo ay tahay waxaa jiro horyaalo kale oo iyana wacan”.

” Illaa haatan weli ma gaarin go`aanka kama dambeysta ah ee mustaqbalkeyga waxaana kaliya haatan diiradda saarayaa kulamada kooxdeyda ka dib aan aragno waxa dhaca”

Matthijs de Ligt intaas sii raaciyay ” dhab ahaan dalabyo kala duwan ayaan haystaa balse ma doonayo in aan wax idinkaga sheego”.

Matthijs de Ligt ayaa waxaa aad u doonaya kooxaha yurub ugu weyn sida Barcelona , Juventus , Bayern Munich , Liverpool iyo Man United