Nabadoon Masjid lagu dhex dilay Muqdisho

113

Wararka Aan caawa ka helayno Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay Caawa nabadoon ku dileen Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid.

Nabaddoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Cariif, waxaana uu ka mid ahaa waxgaradka sidda si weyn looga yaqaano Xaafadda Juungal.

Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay Gudaha Masjid Sheekh Xasan Cadde, waxaana dilka geystay Koox hubeysan oo goobta ka baxsatay.

Nabadoonka ayaa ka mid ahaa Odayaashii soo xulay Ergooyinkii soo doortay xildhibaanada Golaha Shacabka ee maamulka Hirshabeelle.