De Ligt, Neymar, Mbappe, Van Dijk, Ramos, Milner, Boateng & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

113

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxaha reer yurub haatanba bilaabi doonaan sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen xiddigaha ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo la furi kara xiddigaha iyo waliba kooxaha ay ka doonayaan si ay u dhamaystiraan adeegooda

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Bartilmaameedka Kooxaha Man United iyo Barcelona ee Matthijs de Ligt ayaa sheegay in uu mustaqbalkiisa go,aan ka gaadhi doono kadib tartanka UEFA National League (ESPN).

Tababaraha Kooxda PSG ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in uuna balan qaadi karin in ay xiddigaha Neymar iyo Kylian Mbappe sii joogi doonaan kooxda Xilli ciyaareedka dambe (Sky Sport).

Kooxda PSG ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee James Milner kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga dambe (Le Parisien).

Kooxda Man City ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Monaco ee Youri Tielemans amaahdana kula jooga kooxda Leicester City (Sun).

Kooxaha Man City iyo Man United ayaa ku tartami doona saxiixa daafaca kooxda Juventus ee Joao Cancelo hadii uu tababaraha cusub ee Juventus go,aamiyo in uu iska iibiyo xiddiga 25 jirka ah (Tuttosport).

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu sii haysto kabtankiisa Sergio Ramos iyaga oo u soo bandhigay heshiis cusub (Marca).

Kooxda Bayern Munich ayaa daafaca bartilmaameedka u ah Man United ee Jerome Boateng u sheegtay in uu isaga tagi karo kooxda xagaagan (Bild).

Kooxda Real Madrid ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa daafaca Kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk hadii ay waayaan kabtankooda Sergio Ramos xagaagan (AS).

Kooxda Atletico Madrid ayaa dalab 80 Milyan oo euro ah ka gudbisay da,yarka kooxda Benfica ee Joao Felix (Corrieo de Manha).

Kooxda Man United ayaa aaminsan in uu daafaca Matthijs De Ligt iska diidi doono lacagtooda si uu ugu biiro kooxda Barcelona (ESPN).

Daafaca Kooxda Tottenham ee Toby Alderweireld ayaa hogaaminaya Liiska daafacyada kooxda Juventus doonayso xagaagan (Calciomercato).

Kooxda Inter Milan ayaa xiiso u qabta in ay dib u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee Mateo Kovacic amaahadana uga maqan Real Madrid (Corriere dello Sport).

Kooxda Real Madrid ayaa kor u qaaday dalabkii 90-ka Milyan ahaa ee ay ka gudbisay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly (Corriere dello Sport).

Kooxda Juventus ayaa wax walba u samayn doonta sidii ay dib ugula soo saxiixan lahayd xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba iyaga oo xitaa diyaar ula ah xiddigaha Paulo Dybala iyo Alex Sandro (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa goolhayaha Hull City ee David Marshall si ay ugu badasho goolhayaha kooxda ka tagaya ee Simon Mignolet (Star).