Saido Mane Oo Balan-qaad La Yaab Leh U Sameeyay Mohamed Salah Waa Haddii Uu Salah Gool Dhaliyo Finalka Champion-ka

55

Weeraryahanka Liverpool ee Saido Mane ayaa daboolka ka qaaday in uu jiro balan qaad u dhaxeya isaga iyo saaxibkiisa koxoda ee Mohamed Salah haddii ay dhacdo in midkood uu shabaqa soo taabto finalka Champion-ka

Liverpool ayaa koowda bisha June waxa ay qaabilayaan kooxda Totenham waxa uuna kulankaas ka dhacayaa caasimadda Spain ee Madrid

Bogga Sanslimitesn ee Senegal ayaa laga soo xiganayaa in Mane uu Salah ku yiri ” Haddii aad gool dhaliso kulankaas waxaad ii kaxeyneysaa majidka Al-Azhar ee Masar “.

Mane waxa uu intaas ku daray ” haddii aan aniga dhaliyana waxaan Salah hadiyad ahaan ugu keenayaa Libaax”.

Lababdaas laacib ayaa xilli ciyaareedkaan waxa ay ku guuleysteen abaal marinta kabta dahabka ee gool dhalinta horyaalka Ingiriiska iyaga oo dhaliyay 22 gool waxaana abaal marintaas kula jiray weeraryahanka Arsenal ee Aubameyang