Shirka Madaxda Maamul Gobaleedyada dalka oo baaqday.

80

Sida uu qorshuhu ahaa waxaa maanta magaalada Nairobi lagu waday in uu ka furmo Shirka  madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo ah mid xasaasi ah.

Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa hada ku wada sugan magaalada Nairobi, inkastoo ay ka maqan yihiin Maamulada Puntland, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.

Sababta uu u baaqday ayaa waxaa lagu sheegay in culeysyo soo wajahay qaar ka mid ah Madaxda Maamul Gobaleedyada ka jira dalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo lagu waday inuu gaaro magaalada Nairobi ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan, waxaana berri la filayaa inuu dib ugu laabto magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay ka soo tagay magaalada Nairobi, isagoo ku baxay xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Madaxda Maamul gobaleedyada iyo dowladda dhexe ayaa hada waxaa ka dhexeeya khilaaf siyaasadeed, iyadoona weli xal waaro loo helin.