Galmudug oo ka hadashay dadkii lagu dilay duleedka Dhuusamareeb

111

Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhacdadii Afarta ruux lagu dilay ee dhawaan ka dhacday deegaanka dhiin-Waris oo 18km dhinaca Bariga kaga began Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay aad uga xun yihiin dilka dadka rayidka ah loo geystay,kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Maxamed Shaakir waxa uu sheegay in Galmudug ay baaritaan dhab ah ku sameyn doonto dadkii ka dambeeyay dilkaas,isla markaana ay diyaar u tahay hadii gacanta lagu dhigo in cadaladda la horgeeyo lana Maxkamadeeyo.

Dad badan ayaa aad uga xumaaday dhacdada lagu dilay Afarta Ruux ee kasoo jeeday deegaanada Koonfur Galbeed,kuwaas oo ka Shaqeynayay Goob Shinida lagu xanaaneeyo,isla markaana malabka looga soo saaro.