Ganacsato Soomaali oo lagu dilay Koonfur afrika

86

Magalooyinka Cape Town Iyo Port Elizabeth  ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxaa lagu dilay Ganacsato Soomaaliyeed, kuwaasi oo lagu weeraray goobahooda ka ganacsiga.

Ganacsatada la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Aadan Abdullkadir Jama , Moalim Abdullahi Isse iyo Abdijabar Muhammad Nur.

Sedaxda Marxuum oo si kala kala gooni ah loo dilay ayaa marka dhinac kale laga eego waxaa lagu kala toogtay gooba ganacsi oo ay ka shaqeeyn jireen Waxaana sidoo kala jira labo ganacsato oo la dhaawacay.

Saraakiil u hadashay Booliska Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen in lagu daba Jiro kooxihii ka dambeeyay dilka loo geystay Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dilalka lagula kaco Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika ayaa caado ka noqotay dalkaasi, iyadoo boob iyo dhacna loo geysto dukaamadooda.