Tababaraha Kooxda Man City Pep Guardiola Oo Ka Warbixiyay Sababta Cajiibka Ahayd Uu Riyad Mahrez Kaga Reebay Kulankii Liverpool

73

 Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday sabab muran dhalisay ee ah go’aankii uu Riyad Mahrez kaga reebay kulankii shalay ay Liverpool ku wada ciyaareen koobka FA Community Shield.

Pep Guardiola ayaa wareysi uu bixiyay shabakada caanka ah ee “BBC” wuxuu ku sheegay:

“Riyad Mahrez wuu ila soo xiriiray kaddib markii uu kula guuleystay xulkiisa Algeria Koobka Qaramada Afrika 2019, wuxuuna ii sheegay inuu soo laaban doono 10 maalmood kaddib kulanka finalka, isla markaana uu eeganayo inuu ka qeyb galo ciyaarta Liverpool”.

“Aad ayaan u soo dhoweynayay rabitaanka Riyad Mahrez, laakiin wuxuu isticmaalay daawo uusan takhtarka Manchester City aqoonin, kaddib waxaan ka reebay kulanka Liverpool”.

“Waxaan rajeynayaa in Riyad Mahrez uu diyaar u noqdo kulanka soo aadan ee aan la ciyaari doono kooxda West Ham United, wax walbana caadi ayey noqon doonaan waqtiga soo socda”.

Si kastaba ha noqotee kooxda Manchester City ayaa waxay haatan isku diyaarineysaa kulankeeda ugu horeeya ay kaga daah furan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedka cusub ee 2019-2020, kaasoo ay maalinka Sabtida soo aadan kula ciyaari doonaan kooxda West Ham United London Stadium.