Rasaas Caawa laga maqlay Xarunta loogu tala galay Shirka dib u heshiisiinta Galmudug

47

Rasaas xooggan ayaa caawa laga maqlay magaalada Dhuusamreeb ee xarunta Galmudug gaar ahaan xarunta Shiirgole oo loogu tala galay Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug

Waxaana wararka ay sheegayaan in dagaal kooban uu dhexmaray ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda ee ku wada sugan goobta, islamarkaana Ciidamo Boolis ah ay diideen in Amniga xarunta ay ku wareejiyaan nabadsuggida.

Cabsi ayaa soo wajahday Ergooyinka ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee ka qeyb galaya Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.

Xabadda ayaa joogsaday waxaana la sheegay in hadda ay socdaan dadaallo lagu xalinaayo khilaafka soo gala dhex galay Mas’uuliyiinta Ciidanka Booliska iyo nabadsuggida ee Dhuusamareeb.