Dowlada oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

49

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo ku sugan Magalada Dhuusamareeb ayaa halkasi Maanta waxaa uu kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,kaas oo laga fulinayo deegaannada Galmudug.

Isaga oo ka qeyb galay shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug oo Maalintii Afaraad ka socda Dhuusamareeb ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’aan tahay inay deegaannada Galmudug ka saaraan Al-Shabaab ka hor doorashada Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiirka Amniga in dowladda ay haatan deegaannada Galmudug ay ku tababareyso ciidamo farabadan oo ka qeyb qaadanaya xoreynta deegaannada Galmudug halka kuwo kale oo saraakiil ah loo diray dalka dibadiisa.