Dagaalo Culus oo Xalay ka dhacay Awdheegle,Afgooye, Qoryooleey iyo Bariire Shabeellada Hoose Iyo Guryo Gubtay

40

Dagaalkaan ayaa xalay waxaa uu siyaabo kala duwan uga dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab.

Deegaannada ay dagaaladu ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Awdheegle,Afgooye, Qoryooleey iyo deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana la sheegay in dagaalka uu yimid,kadib markii ay Al-Shabaab weerareen Saldhigyada Ciidamada Dowladda soomaaliya.

Dad ku sugan deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalada qaarkood ay socdeen in ka badan saacad halka kuwa qaarkood  ay ahaayeen kuwo ku dhufo oo ka dhaqaaq,hayeeshee aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay maadaama xilli habeen ah ay aheyd.

Dagaalka ugu cuslaa ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana la sheegay in dagaalka intii uu socay ay gubteen Guryo ay deganaayeen Dad Shacab ah,isla markaana ay khasaaro ka dhasheen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weeraradii ay kusoo qaadeen Xubno ka tirsan Uruka Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Wararka saakay laga helayo deegaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degam,hayeeshee Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku baadi goobayaan Xubnii ka tirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray.