XOG: Maxaa ka jira in finalaha Ciyaarti Xalay ay u baaqatay Siyaasad ay isku Hayaan RW Kheyre & Wasiirad Khadiijo oo isku dhinac ah iyo Duqa Muqdisho CumarFilish

80

Warar hoose Aan helnay ayaa sheegaya in Ciyaartii Xalay Ee finalka aheyd ee u baaqatay Siyaasad ay isku Hayaan Ra’iisal wasaare kheyre iyo Wasiirada¬† isboortiga marwo Khadiijo oo isku dhinac ah iyo Gudoomiyaha Gobolka banaadir CumarFilis.

Xalay ayay aheyd habeen kale oo muqdisho la filayay inay farxad galiso dhalinyarada jecel kubbadda cagta iyo horumarka nabadeed balse taas badalkeed waxaa ay noqotay in cabsi looga soo tago gegida Ing Yariisow.

Garoonka ayaa dhan walbo waxaa ka camiray taageerayaal balse waxaa marqura demay leerarki garoonka ee sida gaarka ah loo maamulayay laakin ma aysan damin kuwii cadceeda ku shaqeenayay.

Goormee ayay dameeen Leerarka sida gaarka ah loo maamulayay?.

Ilo wareedyo la socda xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa ino xaqiijiyay in leerarka la amray in la demiyo marka uu soo galo garoònka gudoomiyaha gobolka Benaadir Cumar Filish balse qalad ka dhacay dadki loo xilsaaray daminta korantada BECO ay siiso garoonka kubbadda cagta ee Ing Yariisow ayaa la damiyay markii gudoomiyaha gaarigiisa la joojiyay.

Intaas kadib ayaa waxaa durba gaarigiisa ku laabtay gudoomiye Cumar filish waxaana durba lasoo saaray go’aan ah in ciyaarta la baajiyo.

Waxaa is weydiin mudan maxay Wasiir Khadiijo u imaan weysay garoonka waqti ka hor inta ciyaarta waqtigii la baasan lahaa aan la gaarin maadama ay tahay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS.

Dhanka kale mar aan la hadalnay dhalinyarada xiisaysa cayaaraha aye ino sheegeen hadalo qiira badan oo ah sidaan ( Hadaa Nahnay bahda jecel sportiga waxa aan soo jeedineenaa in garbaha siyaasada isku haaya aysan na dhibaateen.)

Waxaa la saadaalikarin meeshe ku dambeyn doonto khilaafkan cusub oo soo ifbaxay.