Wafdi Ka Socda Madasha Xisbiyada Qaran oo gurmad u Qaaday Shabeellaha Dhexe

63

Wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha  Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa Maanta waxaa ay u ambabaxeen deegaano katirsan gobolka Shabelelaha Dhexe.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay gurmad gargaara ah u wadaan dadka ka barakacay fatahaadaha Wabiga ee Magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee Gobolkaasi Shabeellaha Dhexe.

Wafdiga waxaa qayb ka ah masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Himilo Qaran, UPD, Horusocod Qaran iyo Kulan,waxaana ay horay gargaar kala duwan u gaarsiiyeen Magaalooyinka Baladweyne iyo Bardaale.