Home Wararka Wiil lagu dilay Magaalada Marka Sh/hoose

Wiil lagu dilay Magaalada Marka Sh/hoose

75

Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Xaafada Hosreed ee Magaaladaasi lagu dilay Wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa dadka Magaalada.

Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Usaama Xuseen Muuse ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in dilkiisa ay ka dambeeyeen ilaalada Guddoomiye kuxigeenka Amniga degmada Marka oo lagu magacaabo Maxamed Sheekh.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in sababta dilka ay ka dambeysay,kadib markii uu muran soo kala dhexgalay ilaalada Guddoomiye kuxigeenka Amniga degmada Marka iyo Wiilka Dhalinyarada ahaa ee la dilay oo ahaa saaxiibo dhow.

Askartii ka dambeysay dilka Wiilka Dhalinyarada ahaa ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay,iyada oo weli dilkaasi aysan ka hadlin Maamulka degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.