Maxa Ka Ogtahay Safarka Taliyaha Booliska Soomaaliya Uu Ku Tagey Jabuuti ?

55

Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay gaareen dalka Jabuuti halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga ayaa waxaa Jabuuti kusoo dhaweeyey Saraakiisha ugu sareeysa Ciidamada Booliska dalkaas,iyaga oo kulamo ka bilaabay halkaas.

U jeedada Wafdiga Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyees Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa lagu sheegay in uu halkaasi tababar ugu soo xiri doono ciidan boolis ah oo tababar ku qaatay dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda dalkaas,isaga oo kala hadli doona Arrimo la xiriira tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliya.