27-Ka Xubnood ee Golaha Deegaanka Galkacyo Oo La Dhaariyay + Sawirro

Magaalada Galkacyo waxaa maanta lagu dhaariyay xubnaha golaha Deegaanka Galkacyo ee dhawaan la doortay.

27ka xubnood ee Golaha Deegaanka Galkacyo uu ka koobanyahay ayaa dhammaantood lagu wada dhaariyay kitaabka qur’aanka Kariimka ah.

Xubna la dhaariyay ee Golaha Deegaanka waxaa isla maanta u furmay Tababar Aqoon is weydaarsi ah oo ku saabsan qaababka doorashooyinka.

Galmudug ayaa dedaal xooggan ku bixineysa in deegaannadeeda ay ka hirgaliso nidaamka golayaasha deegaanka kaasi oo shacabku ay ku dooran karaan qofka iyaga hoggaaminaayo.