DEG DEG: Cabdi Wali Gaas oo kusoo wajahan Magaalada Galkacyo

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi wali Gaas ayaa lagu wadaa in Maanta uu tago Magaalada Galakcyo ee Gobolka Mudug.

Gaas oo hada ku sugan Dalka Turkiga ayaa la filaaya in toos Galkacyo uu u yimaado isagoona kulamo la qaadan doono qeybha akala duwan ee Bulshada rayidka iyo Maamulka.

Arimaha ugu Muhiimsan safarka Gaas waxaa kamid ah Lakulanka Odayaasha Gaalkacyo iyo Xal u helida amaanka Waqooyiga Gaalkacyo oo dhoor jeer dilal iyo Qaraxyo ka Dhaceen.

Magaalada Gaalkacyo hada waxaa ku sugan Madaxweyne kuxigeenka Punland & xubno katirsan labada golle ee Maamulka Puntland, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu qaraxu Ismiidaaminta ah ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

La soco wararkeena Dambo Socdaalka Gaas ee Galkacyo