Agaasimihii Cisbitaalka Soomali Jarmal Hosbital Dr. Ibraahim Cali oo ka mid Noqday Dadkii Xalay ku geeriyoday Weerarkii lagu qaaday Banaadir Beach

Waxaa weli sii kordhaaya Qasaaraha ka dhashay weerarkii xalay lagu qaaday Maqaayada Banaadir Beach oo ku taala Xeebta Liido iyadoona dadka dhintay ay ku jiraan dad shacab ah iyo dad masuuliyiin ah.

Dadka ku dhintay Weerarkii xalay waxaa ka mid ah Dhaqtar caan ah oo lagu Magacaabo Dr.Ibraahim Cali Islamarkaana aha Agaasimaha Cisbitaalka Soomali Jarmal oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Dhaqatarka ayaa la sheegay in uu ka mid Noqday dadkii xalay ku geeriyooday Goobta Maqaaxida ee la Weeraray.

Dhaqtar Ibraahim Cali Sidoo kale Waxa uu ahaa Aa aasihii Xarunta Caafimadka ee Danyar daryeel Service ee Dalka Jarmalka waxaana markii dambo dhaqtarka uu kusoo laabtay dalkiisa hooyo isagoona ka furay Cisbitaal caalami ah oo ay ka howlgalaan Dhaqaatiir Soomali iyo Ajaanib isugu jira waxaana Cisbitaalkaasi lagu magacaaba Soomali Germany Hosbitaal.

Allaha ha U Naxiirsto dhaqtarka iyo inta kale ee ku geeriyootay waxaana Maamulka sare ee Banaadir Times ay Tacsi u dirayaan Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuuka Samir iyo Iimaan Ilaahey haka siiyo .