Agaasimihii Wasaarada Warfaafinta Bahlaawi Oo Loo Diiday Inuu Galo Wasaarada Warfaafinta

Agaasimihii Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya C/Risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa la sheegay in uu diiday in uu xilka wareejiyo kana baxo xafiiska, kadib shaqo joojin Wasiirka Warfaafinta Eng Yariisow uu dhawaan ku sameeyay.

Bahlaawi ayaa wali ku adkeesanaya in uu yahay Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta waxa uuna kasoo horjeestay shaqo ka joojinta uu ku sameeyay Wasiirka Warfaafinta, waxa uuna Agaasimaha diiday in uu ka baxo xafiiskiisa ku yaalay Xarunta Wasaarada.

Wasiirka Warfaafinta ayaa cadeeyay in Bahlaawi diiday in uu xilka baneeuyo, waxa uuna Wasiirka C/Raxmaan Yariisoow soo saaray warqad uu ku amryo ciidamada ilaalada xarunta Wasaarada in uusan gudaha usoo gali Karin Bahlaawi.

Halkaan Ka Akhriso Warqada kasoo baxaday Wasiirka Warfaafinta