Akhriso Faah Faahin ku Saabsan Qarax Xalay ka dhacay Dagmada Baardheere iyo masuuliyiin ku dhaawacantay

Warar Dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Qarax Noociisu yahay Bambo Gacmeed Xalay ka dhacay Dagmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaraxa ayaa la sheegay in Waxyeelo dhaawacyo ah ay ka soo gaadhay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Dagmada iyo Saraakiisha Ciidanka waxaana jirta qasaaro kale oo soo gaartay askar ciidanka Dowlada ka tirsan.

Inta la Xaqiijiyay sagaal qof oo uu ku jiro guddoomiyaha iyo taliyaha amniga ee degmada Baardheere ayaa ku dhaawacmay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu aad u xogganaa waxaana laga maqlay inta badan magaalada.

Saraakisha Caafimaadka ayaa sheegaya in Dhaawacyada qaarkood ay aad u culus yihiin Inkasto aan la ogeyn xaalada ay hada ku suganyihiin Masuuliyiinta Dagmada Baardheere ee Qaraxa ku dhawacantay.

Ciidanka Ammaanka ayaa Qaraxa ka dib sida Caadada aheydba waxa ay Bilaabeen Howlgal lagu baadi goobaayo ragii Bambada soo tuuray lamana sheegin cid ilaa iyo hada loo soo qabtay Qaraxii lagu beegsaday Masuuliyiinta Maamulka Dagmada Baardheere.